LAASCAANOOD: Saraakiil Ciidan oo dhowaan xoog kula wareegay Saldhiga Dhexe ee Booliiska oo la xir xiray

lasanod

Dhowr maalmood ka hor waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay fowdo bilow ah oo aan in dhowaale Somaliland lagu arag, kadib markii Saraakiil ka tirsam Ciidamada Somaliland, gaar ahaan Saldhiga 7aad ay xoog kula wareegeen Saldhigii Dhexe ee Booliiska Gobolka Sool, iyagoo sii daayey dhamaan dembiileyaashii Saldhiga ku xirnaa.

Arinta ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay kadib markii Booliisku soo qabteen eedaysane ay qaraabo ahaayeen Taliye ku xigeenka Saldhiga ama guutada 7aad ee Ciidanka Somaliland Ibraahim Ashkir, kaas oo intuu soo kaxaystay 3 gaadhi oo nooca qoryuhu saaran yihiin lagu weeraray Saldhigii Booliiska wixii maxaabiis ku jirtay la sii daayey.

Ciidanka Saldhiga 7aad maaha kuwo la dhaqan ah Ciidamada Qaranka ee Somaliland, waa nooca Caaglaha lagu naaneyso, waa ku abuura nabadgelyo daradda iyo fal dambiyeedyada Magaalada Laascaanood ka dhaca, waxay aaminsan yihiin in Laascaanood xoog lagu haysto oo Somaliland iyaga ku joogto, sidaas darteed waxay dirayskii Ciidamada Somaliland, gaarigii Tiknikada ahaa iyo qori u adeegsadaan nabadgelyo darada degaanka, iyadoo qofkii Booliisku soo qabtaana xoog lagula baxo.

Dadka degaanku waxay aaminsan yihiin inay Saraakiisha Saldhiga 7aad ay ku lug leeyihiin dadkii Laascaanood lagu dili jiray, ku habsiga Dulka dadka, keenista maandooriyeyaasha, tahriibinta dadka Itoobiya iyo in Caruurta iyo dumarka banaanbaxyada sameeya qoryaha lidka diyaaradaha hoos loogu dhigo, iyadoo dhaqan xumadaas iyo sharcidaradaas ay ku abaalmarin jireen xukuumadii hore ee Somaliland. Waxay xarfaan ku noqdeen sida Somaliland loola isticmaalo, Nabadgelyo darada iyagaa soo abuura, dabadeedna soo sheega, kadibna cid kale u soo qabta.

Haddii Ibraahim Ashkir iyo Saraakiishii kale ee Saldhiga Booliiska Xooga kula wareegay, oo hadda la sheegayo inay ku xiran yihiin Saldhig Ciidan oo duleedka magaalada ku yaal, waajibaadka sharci la marin waayo waxay keenaysa in beel walba markeeda dembiilihii laga soo qabto ay booliiska ku weerarto.

Sikastaba, saacadaha soo socda ayaa la sugayaa odayaal saraakiisha ku hayb ah oo saxaafada ka leh, waxaan u soo godobownay Somaliland ama Somaliland anagey nagu joogtaaye si deg dega saraakiisha fowdada bilaabay ha loo sii daayo, taas oo ah ismoodsiis iyo faham khaldan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here