Laftagareen oo si kulul u weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Muqdisho joogo

cabdicasiis laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in maalin walba Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada ay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed, isla markaana dad aan la dilin ka been sheegaan, iyaga oo ku xumeynaya Dowladda Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxaana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur Galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo, mana ahan kuwa xishoonaayo ayuu yiri” Laftagareen.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii Reer Koonfur Galbeed oo Maalin cad lagu diley Gaalkacyo.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Maamulkaas oo lagu qabtay Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here