Lagama yaabo inaan Soomaaliya dib ugu laabto

dhadhaab

Iyadoo muddo bilooyin ah ay ka harsan tahay waqtiga kama dambaysta ah ee ay dowladda Kenya u qabatay inay xiri doonto xeryaha qaxootiga, ayaa arrintaasi waxaa ka digaysa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Hay’adda ayaa ku doodaysa inay tahay in si degdeg ah xal loogu helo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo halis ugu jira inay waayaan kaalmada yarta ah ee ay haatan helaan.

Warbixinta hay’adda ayaa tilmaamaysa in saddexdii sanadood ee la soo dhaafay ay aad hoos ugu dhaceen qaxootigii iskood Soomaaliya ugu laaban jiray, arrintaas oo ku soo beegantay qulqulatooyinka oo sare u kacay, barakaca iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’adda arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa dadka gudaha Soomaaliya ku barakacay sanadkan ku tilmaantay inay gaarayaan 731,000 oo qof. Dadkaas ayaa badankood ku barakacay koofurta Soomaaliya.

Geeddiyo Cabdinuur waxay ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee dib ugu laabtay Soomaaliya afar sano ka hor, balse haatan dib ugu soo laabatay xeryaha Dhadhaab oo markii hore laga qaaday. Mar ay BBC-da la hadleysay ayaa waxay sheegtay in sababta ay xeryaha ugu laabatay ay tahay dhibaatooyin badan oo ay la kulantay.

Geeddiyo oo sanadkii 2011 tagtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayaa sagaal sano kaddib waxaa dib loogu celiyay magaalada Kismaayo, kaddib markii seygeeda sida ay sheegtay uu ku qasbay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Muddo lix bilood ah oo ay Kismaayo joogtay ayay sheegtay inay dib ugu laabatay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose oo markii hore ay ka timid.

“Bu’aale markii aan tegay dhibaatooyin badan ayaan la kulmay, waxaa ka mid ah wiilkeyga curadka ah ayay iga wateen Al-Shabaab,” ayay tiri Geeddiya. Wiilkeeda oo 18 jir ahaa ayay Geeddiyo sheegtay inuu dhiganayay madraso, markii maamulka Al-Shabaab uu isaga iyo arday kale ay kala baxeen dugsiga ayna u sheegeen in tababar loo qaadayo.

“Markii aan weydiiyay sababta ay wiilkeyga u qaateen, aniga ayaaba la xiray oo 1 beri xirnaa. Jirkeyga dhaawacyada ku yaalla haddii aad aragto waad yaabeysaa, ” ayay tiri Geeddiyo.

Qaxooti badan oo dib ugu laabtay deegaannada ay dowladdu maamusho iyo kuwa ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inaysan helin waxyaabaha aasaasiga ah sida waxbarasho, taas oo ku qasabtay inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga.

Geeddiya oo toddoba carruur ah dhashay, ayaa waxaa xeryaha ugu dhashay afar carruur ah. Seygeeda ayay sheegtay inay kala tageen markii ay Soomaaliya ku laabteen, kaddibna ay dib ugu laabatay xeryaha oo ay haatan muddo labo sano ah ku nooshahay.

“Waxba sooma qaadan, aniga iyo carruurteyda qaar ayaan la soo laabtay, dhibaatooyin badan ayaana waddada kula soo kulmay,”

Qaxootiga iyo Soomaaliya ayay sheegtay inay u dhaanto nolosha xeryaha, “Qaxootiga nabadgelyo ayaan ku heystaa, laakiin kuma heysto nolol. Ma heysto kaar qaxooti, waxaan ku noolahay xooggeyga,” ayay intaas ku dartay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha June ee 2022-ka.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Balse Geeddiyo ayaa sheegtay inaysan u qorsheysneyn inay ku laabato Soomaaliya “Wax walba oo dhaca lagama yaabo inaan Soomalaiya dib ugu laabto.” Ayay tiri Geeddiyo.

Hay’adda Amnesty International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Dastuurka Kenya uusan oggoleyn tallaabo kasta oo qaxootiga dalka looga eryayo.

“Xukun kasoo baxay maxkamadda sare ee Kenya sanadkii 2007 ayaa ka mamnuucaya dowladda Kenya in ay tallaabadaas sameyso. Maxkamadda xukunka kasoo baxay wuxuu dhigayay in ay sharci darro tahay, dastuurka dalka Kenyana ay khilaafsan tahay in dowladda Kenya ay si lama filaan ah u xirto xero dhan oo qaxooti ay ku nool yihiin iyadoo xaaladihii ay dadkaas kasoo carareen ay wali ka jiraan waddamadii ay kasoo tageen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here