Liiska Odayaasha soo xulaya baarlamaanka 2-aad Galmudug oo la shaaciyey

Sabriye

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku wareejiyey guddiga farsamada ee maamulkaasi.

Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaanka.

Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si aysan dib ugu dhacin doorashada baarlamaanka.

Bisha December ee soo socota ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorashooyinka Galmudug oo isugu jira mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ee maamulkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee saxiixayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu dhawaaqay iyada oo maanta la xareynayo.

Liiska Odayaashan ayaa waxaa Guddiga Farsamada dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ku wareejiyay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Odayaashan ayaa waxaa ay soo gudbin doonaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyada oo Bisha December ee berri billaabaneysa ay noqoneyso bisha doorashada Guddoomiyha Baarlamaanka, iyo Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here