LIX-DAN MASUUL LABOBA WAX BAY U DAGAALAMAYSAA

farmaajo kheyre madoobe deni xasan shariif

Lix-dan masuul ee kor ku sawiran labo kastaa waxbay u dagaalamayaan.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO RW KHEYRE:

Waa hubaal nin Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisalwasaare Kheyre inay u dagaalamayaan sidii ay u soo noqon lahayd Qaranimaddii iyo midnimaddii Soomaaliyeed, waxaana marag madoonto inay dagaal kula jiraan caqligii, ukxantii iyo caruurtii ay ka tageen GENERAAL GABRE IYO MAHIIGA, kuwaas oo si aan Soomaali dambe loo arag qorsheeyey inay Badhasaab kasta Madaxweyne ugu yeeraan, wadada ay Farmaajo iyo Kheyre ku socdaan waa sida keliya ee lagu buufin karo.

AXMED MADOOBE IYO CABDILAAHI SICIID DENI

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland iyo Axmed Madoobe oo hadda aan wax sharciyad aysan, waxay u dagaalamayaan baadii iyo Dulmigii ay ku barteen Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Shiikh, kuwaas oo Axmed Madoobe oo aan Soomaalinimaddiisa la hubin, Kenyana ku adeegsanayso farta ka saaray xuquuqdii umaddii Soomaaliyeed Jubbaland iyo sadexdii Gobolka ee dal ka ugu Qanisanaa, halka shacabkii Khaatumo ee dalka iyo diinta u soo halgamayna ay ku abaalmariyeen Puntland iyo Somaliland. Nin wuxuusan lahayn bartay loo taag helimaayo ilaa indhiiisa wax la tuso. Waa guul in durba Gobolka Gedo la xoreeyey.

MADAXWEYNE HORE SHIIKH SHARIIF IYO XASAN SHIIKH.

Labadan nin oo Madaxweyneyaal hore soo noqday waa la yaqaanaa, wax weyn ma rabaan, Shiikh Shariif wuxuu doonayaa inuu mar kale dhulka Soomaaliyeed iibiyo, halka Xasan Shiikh uu doonayo inuu mar kale Gabdhaha Soomaaliyeed carabta ka kireeyo, haddii weli quraanku soo degayo, Xasan Shiikh waxaa ku soo degi lahaa ayaado quraan ah, haduu damiir leeyahayna maanta bulshadda horteeda ma yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here