Liyuu booliska oo markii ugu horreysay lagu wareejiyay amniga ceelasha shidaalka

liyuu booliis

Dowladda Itoobiya ayaa deegaanka Soomaalida ku wareejisay amniga ceelaasha shidaalka ee gobolka si loo xaqiijiyo badqabka shaqalaaha iyo howlaha shidaal qodista ee ka socd halkaas, sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowlad deegaanka.

Waxaana haatan ceelasha shidaalka ilaalinayo ciidamada gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida xilli horraan halkaas ay gacan ku hayeen ciidamada federaalka.

Horraan ciidamada deegaanka looma ogoleyn inay tegaan ceelasha shidaalka.

“Waxaan hadda ka hor ka warqabnay inaan ciidanka deegaanka loo ogalayn inay tagaan agagaarka ceelasha shidaalka ilaa meelo loo calaamadiyay oo kabaxsan xaydaanba ceelasha mooyee” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Cabdi Nuur Faarax.oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu sheegay inay kalsooni ku qabaan ciidamada dowladda deegaanka ee haatan loo dhiibay sugidda amniga ceelasha shidaalka.

Wasiirka batroolka Dowlada Deegaanka ayaa ciidamada gaarka ah ee gobolka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga ceelasha shidaalka maadama ay mas’uul weyn ka saaran tahay ceelasha.

“Haddaba anaga oo nidaamka ilaalada ee ciidanka deegaanka kalsooni aad uwayn kuqabna, hadana Waxaan ku boorinaynaa inay hantidooda ilaashadaan, xil aad uwayna iska saaraan adkaynta amniga ee ceelasha shidaalka” ayuu yiri Cabdinuur Faarax.h

Ciidamada deegaanka Somaalida ayaa haatan si buuxda ula wareegay ceelasha shidaalka ee Jeexdin iyo Ellele.

Taliyaha ciidamada Liyuu Booliska ayaa soo kormeeyay ceelashada shidaalka ee deegaanka iyo sidii xiriir wanaagsan loola yeelan lahaa shirkadaha ku howlan shidaal baarista.

Bishii Juun ee 2018 ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay xarigga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana oo xilliggaas soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaankiisu wanaagsa yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here