Loolanka badda: Sidee UK, France, US iyo Norway ula kala safteen dalalka Kenya iyo Soomaaliya? (Warbixin)

somalia kenya flag

Loolanka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso, ayaa waxaa qeyb ka noqday quwado caalami ah oo midba dantiisa gaarka ah uu wato, sida Mareykanka, UK, France, Italy iyo Norway.

Sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalda cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia, dalalkan ayaa la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda UK ayaa taageero u muujisay Soomaaliya, laba sabab dartood. Midda koowaad, xiriirka UK iyo Kenya ma wanaagsaneyn tan iyo markii la doortay Uhuru Kenyatta, oo markii ii xukunka qabtay loo haystay eedeymo la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhashay kaalinta la tuhunsan yahay in uu ku lahaa rabshadihii dhacay kadib doorashadii 2007.

Intii uu xukunka hayey Uhuru, Kenya waxa ay kasii durqeysay UK, una dhowaaneysay Mareykanka iyo Shiinaha. Sidaas darteed UK waxa ay taageeradeeda ku xoojisay Soomaaliya, ayada oo eeganeysa danaheeda dhaqaale ee gobolka.’

Midda labaad, Britan waxay Soomaaliya la leedahay xiriir muddo soo jiray marka ay noqoto sahminta shidaalka. Tusaale shirkadda British Petroleum (BP) ayaa dowladdii hore ee Soomaaliya ka haysatay heshiis shidaal sahmin, ka hor inta aysan burburin 1991-kii.

Norway ayaa sidoo kale taageereysa Soomaaliya. Norway ayaa ka mid ahayd dalalkii gorgortanka ugu weyn ka sameeyey shirkii shidaalka Soomaaliya ee lagu qabtay London. Waxaan sidoo kale meesha ka mrneyn in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay horey u cayrisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa taageeraya Kenya, sababo la xiriira in labada dal ay ka mideysan yihiin dagaalka argagixisada, iyo in shirkado Mareykan ah ay ka faa’iidi doonaan haddii dhulka badeedka la isku hayo loo xukmiyo Kenya.

Safiirka Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter ayaa horey u sheegay in mowqifka dowladda Mareykanka uu yahay in xiisadda labada dal lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasi oo ah sida Kenya ay rabto.

Mareykanka iyo Kenya ayaa sidoo kale saxiixday heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 milyan oo dollar.

Sidoo kale, Faransiiska ayaa taageeraya Kenya, sababo la xiriira in Kenya ay qandaraas ku siisay shirkadda Total Oil ee Faransiiska inay shidaal sahmin ka sameyso dhul badeedka lagu muransan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here