M Farmaajo oo mabnuucay heshiis kasta oo saameynaya dhaqaalaha iyo amniga dalka

farmaajo saxiix

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray dikreeto lagu shaaciyey in isagoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madax-bannaanida dalkeenna uu  xeer Madaxweyne ku joojiyay in hey’adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here