Ma taqaanaa waddanka aan weli laga xaqiijin hal kiis oo feyraska Karoona ah?

Coronavirus

Kuuriyada Waqooyi ayaa soo werisay waxa ay ku tilmaantay kiiskii ugu horreeyay ee looga shakiyay fayraska corona.

Wakaaladda Wararka ee KCNA ayaa sheegtay in qofka looga shakiyay fayraska korona uu toddobaadkii hore ka soo laabtay Kuuriyada Koonfureed kaasi oo muddo 3 sannadood ah ku maqnaa dalkaasi.

Hogaamiye Kim Jong-un ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakisha sar-sare ee dalka, kaasi oo bandow loogu soo rogay magaalada xuddduuda ku taalla ee Kaesong.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal aanu macluumaadkiisa si sahlan lagu helin ayaa sheegay in hal kiis oo fayraska corona ah aanan laga xaqiijin dalkooda hase yeeshe dadka wax naqdiya ayaa sheegay in warkaasi aanu xaqiiqda ku saleysnayn.

Wakaaladda KCNA ayaa intaasi ku dartay in Mr Kim uu sidoo kale bilaabay baaritaan ku aaddan sida qofkaasi uu uga soo gudbay xadka aammaankiisa aadka loo adkeeyay waxa uuna ku hanjabay dadka ku lugta leh arrintani ay ciqaab adag la kulmi doonaan.

Dhanka kale Kuuriyada Koonfureed ayaanan soo werinin qof si sharci darro ah uga gudbay xadka maalmihii la soo dhaafay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xirtay guud ahaan xadkeeda waxayna muddo lix bilood ah gooni yeeshay kumanaan qof markii uu xanuunlkan saf-marka ah dunida halaakeeyaynay.

Bilowgii bishaan aynu ku jirno, Mr Kim ayaa ku faanay inuu dalkiisa ku guuleystay sida uu ula tacaalay fayraska corona.

Map of Inter-Korean Joint Liaison Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here