Maalqabeen maalin qura khasaaray 15 bilyan oo dollar

Jeff Bezos

Mulkiilaha shirkadda Tesla Elon Musk, ayaa lumiyey kaalinti koobaad ee uu uga jiray maalqabeennada adduunka, kadib markii dhawaan uu hoos u dhac ku yimid saamiga shirkadda samaysa gaadiidka isticmaala korontada, oo ahayd halka uu ka helay hantida ugu badan.

Saamiga Tesla ayaa hoos u dhacay in ka badan 20% tan iyo markii uu horraantii January gaaray in ka badan 880 dollar saamigiiba.

Waxay aad hoos ugu dheceen toddobaadkan kadib markii shirkadda ay dhawaan lacag ka badan 15 bilyan oo dollar ay ku lumisay lacagta Bitcoin loo yaqaan.

Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Elon Musk ayaa waxa uu u horseedday Jeff Bezos inuu markale noqdo qofka ugu taajirsan dunida oo uu hogaanka u qabto liiska maal-qabeennada.

Khatarta lala xiriirinayo isbedalka Bitcoin oo maalmihii dambe hoos u sii dhacayay ayaa sare u qaaday suuragalnimada ah in qaar ka mid ah maalgashatada shirkadda Tesla ay iibiyaan saamigooda xitaa haddii aysan shirkadda dhaawac u geysan hoos u dhacan, sida uu sheegay Dan Ives oo ah falanqeeya dhanka amniga ah.

Hoos u dhaca ku yimid Bitcoin 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah maalgashatada ku qasbay inay iibiyaan saamigooda.

Maxaa sababaya in saamiga Bitcoin la iska iibiyo?

Qiimaha Bitcoin ayaa 50% sare u kaacy toddobaadyo kadib markii Telsa ay shaaca ka qaadday inay iibsatay saami qiimihiisu gaarayo 1.5 bilyan oo dollar ay aqbashay in ay bixiso lacagtaasi.

Hase yeeshe Bitcoin ayaa 20% hoos u dhacay wixii ka dambeeyay Axaddii, taasi oo weli ka sarreysa markii uu ay Telsa iibsatay saamigeeda.

Musk oo ka dambeeyay sare u kaca Bitcion ayaa sidoo kale nafsaddiisa isku eedeynaya inuu ka dambeeyay hoos u dhacaan dhawaan ku yimid Bitcoin.

Dhammaadkii todobadkii hore ayaa Musk ku baahiyay barta Twitter in qiimaha Bitcoin uu sare u kacay.

Sidoo kale xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in lacago si xawli loo baxayo, taasi oo uu muuqatay inay u digeyso Bitcoin.

Maxaa kale oo samaynaya shirkadda?

Maalgashiga Musk ee Bitcoin ayaa ku soo beegmay iyadoo shirkadda Telsa ay wajahyso caqabado kale.

Shirkadda ayaa dhawaan hakisay iibinta gaawaarida nooca Y SUV, taasi oo Musk uu kaga gol lahaa inuu hormariyo xilliyada u dhaxeeya iibinta noocyada kala duwan ee gawaarida.

Bilowgii bishan, sharci-dejiyaasha Shiinaha ayaa u yeeray shirkadda.

Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017.

Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee uu leeyahay Elon Musk ee Tesla, ayaa qiimo aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray 700 oo bilyan oo dollar markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee shalay.

Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa’iiday xayiraadihii Fayraska Korona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan ka soo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya.

Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimad

Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020, lacag dhan $140 bilyan oo dollar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ahaa $167 bilyan oo dollar.

Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka.

Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here