Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo shir uga furmaya Baydhabo

waare iyo laftagareen baydhabo

Shir u dhaxeeya Madaxda Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Koofur Galbeed iyo Midowga Yurub ayaa looga hadli doono Iskaashiga mashruuc ballaaran oo ay maalgelineyso Midowga Yurub oo ah kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha labada dowlad goboleed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si wadajir u furi doona shirkan.

Sidoo kale Safiiro dalalka Midowga Yurub ayaa ka qeyb geli doona shirkan, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Shirkan oo socon doona labo cisho ayaa lagu soo bandhigo doonaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here