Maamulka Beled-Xaawo oo sheegay inay ku faraxsan yihiin soona dhoweynayaan ciidamada dowlada

sagootin ciidan4

Maamulka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaaladaas.

Ciidamada dowladda ayaa halkaas gaaray islamarkaana la wareegay saacado un kadib markii uu magaalada soo galay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, kaasi oo markii dambe ka baxay magaalada una gudbay magaalada Mandhera ee waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ee dhanka dowladda Cabdi Casiis Xareed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soona dhoweynayaan ciidamada dowladda.

Cabdicasiis ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshaha ciidamada dowladda ay ku galeen Beled-Xaawo uu qeyb ka ahaa heshiis horey u dhex maray maamulka iyo dowladda.

“Ciidamada dowladda waan soo dhaweyneynaa, dadkana waxaan u sheegayaa in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay xuduudaha badda, dhulka iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeya” ayuu yiri Cabdi Casiis Xareed.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan difaacayaa oo aan ku shaqeynayaa heshiis aan lasoo galnay dowladda dhexe.”

Cabdi Casisi ma uusan faah-faahin waxa uu yahay heshiiska, hase yeeshee dowladda ayaa horey inta badan maamulka gobolka Gedo uga dhaadhicisay inay ka goystaan Axmed Madoobe, oo ay hoostagaan  dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here