Maamulka DF ee G/Gedo si kulul beeniyey wararka sheegaya in looga yeeray Muqdisho

beledxaawo

Maamulka DF u sameysay gobolka Gedo ayaa beeniyay, warar sheegayay in looga yeeray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo Axmed Barre ayaa wax lal yaabo ku tilmaamay wararka sheegaya in maanta ay imanayaan Muqdisho.

Axmed Barre ayaa intaa ku daray in gogol looga hadlayo arrimo masiiri ah ay dhigi doonaan magaalada Garbahaarey, taasoo dhammaanba ay ka qayb galayaan maamulka gobolka Gedo, isagoo tilmaamay in Axmed Madoobe uu imaan karo gogoshaas, balse iyagu aanay u aaminsaneyn Madaxweyne.

Waxaa uu sheegay in maamulkii DF u magacowday gobolka Gedo uu howlihiisa si caadi ah u wato, aysana qorshaha ugu jirin iney tagaan magaalada Muqdisho.

Hadalkan Axmed Barre ayaa ku soo aadaya xili saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Maamulka DF u magacowday gobolka Gedo iyo ciidamada halkaas la geeyey dib loogu soo celinayo Muqdisho ka dib heshiis ay arrintaas ka gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo qodobkaas shuruud uga dhigay inuu furmo shirka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here