Maamulka G/Banaadir oo howlgal waddo furis ah ka sameeyay D/Warta Nabadda

xarunta gobolka banaadir

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir taas oo laga sameenayay ololo nadaafadeed iyo burburin dhismayaal sharci darro ah.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka BANAADIR Maxamed C/llaahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Basmo Caamir Shakeeti iyo gddoomiyaha degmada Warta-nabadda ayaa si wadajir ah u sheegay in aan la aqbali doonin dhismo kasta oo sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen amniga iyo nafaadana ay wax u dhimayaan dhismooyinkas.

Howlgalka Burburinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda, iyada oo masuuliyiintaan ay sheegeen in lagu guuleystay in la baneeyo jidadka qaar ee xaafadahaas oo guryo laha dhisay.

Dhinaca kalana guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidaan oo kale loo burburinayo dhismayaasha aan sharciga aheyn, kuwaas oo waxyeelanaya amniga iyo nadaafadda sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here