Maamulka G/Banaadir oo ka Shirey Amniga Muqdisho iyo Go’aano soo baxay

cumar filish2

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir gudoomiyay Shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda, bilic soo celinta, nadaafada, tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn, sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Duqa muqdisho waxaa ay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda, isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here