Maamulka Galmudug oo la wareegay ilihii dhaqaale ee Ahlu-Sunna maamuli jireen

qoorqoor ciidamo

Ciidamada dowladda federaalka ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb oo fulinaya amarka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor ayaa caawa la wareegay maamulka maaliyadeed ee baraha Control ee laga soo galo magaalada Dhuusamreeb.

Controllada laga soo galo magaalada, oo lagu qaado canshuur ay bixiyaan gadiidleyda is-ticmaasha wadada dheer, ayaa waxa ay ku dhici jirtay khasnadda Ahlu-Sunna, waxaana u qaabilsanaa nin ay walaalo yihiin Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Xasan.

Caawa kadib canshuurta ka soo xaroota inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Dhuusamareeb oo horay ugu dhici jirtay khasnadda Ahlu-Sunna ayaa loo weeciyey khasnadda wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo khilaaf badani kala dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Madaxweyne Qoor-Qoor ayaan arrintan weli ka hadlin.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Galmudug oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Qoor-Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid ay ku ansixinta Miisaaniyadda maamulka Galmudug ee sanadkan 2020-ka, taas oo gaareysa 17,230,054.00 ( Todoba iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Miisaaniyadda sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here