Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay mowqifkooda doorashada 2020/2021

calanka hirshabeelle

War-Saxaafadeed ka soo baxday Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa lagu faahfaahiyay mowqfika ku aadan doorashooyinka 2020 iyadoo lagu cadeeyay inay taageersan tahay doorashada qof iyo cod ah.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi, sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa Warsaxaafadeedka ku cadeysay inay la socdaan dooda Xildhibaannada ee Sharciga doorashooyinka, isla markarkaana Hir-Shabeelle ay garwaaqsan tahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jilicsan oo kasoo kabanaya Colaad.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa looga codsaday saamileyda Siyaasada Soomaaliyeed ee xilal doonka ah inay horyimaadaan dadka ay matalaan una soo gudbiyaan fekerkooda si ay cod uga helaan.

Halkan hoose ka aqrsio mowqifka Maamulka Hirshabelle;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here