Maamulka Koonfur Galbeed oo mamnuucay shirarka ka dhanka ah DF Soomaaliya

calanka koonfur galbeed

Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa bilaabay qorsho ka dhan ah ama ka hortegida shirarka Siyaasadeed ee mararka qaar lagu qabto deegaannada Maamulkaas, kuwaas oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Waxaa uu ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku haayo Maamulka Koonfur Galbeed & Saraakiisha Ciidamada inay fuliyaan amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah gudaha, isla markaana aanb la ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ku hanjabay inay qaswadayaal u aqoonsan doonaan ciddii qabato shir aan lagu soo wargelin Wasaaradda Amniga iyo tan Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankaan ayaa imaanayo xilli maalmo ka hor ay Magaalada Baydhabo kulan ku yeesheen Odayaal iyo Siyaasiyiin Dowladda ku eedeeyey go’aankii ay ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kamid yahay maamulada ka jira dalka ee siweyn ula dhacsan siyaasada ee dalka ku maamulaan Madaxda Dowladda Federaalka marka loo eego Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo dhaliilsan Madaxda Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here