Maamulka rugta ganacsiga Soomaaliya oo la kala diray

astaanta soomaaliya

Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala diray maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee hadda jira iyada oo la magacaabay maamul kale oo ku meel gaar ah, sida ku cad go’aan kasoo baxay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Sababta waxaa lagu sheegay xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in dib u habeyn lagu sameeyo rugta ayaa go’aanka la gaaray

Waxaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddoomiye, labo ku xigeen iyo 30 xubnood oo matalaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud ayaa guddoomiye laga dhigay halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Maamulka ku meel gaarka ah ayaa waxaa loo qabtay inay muddo 60 cisho ku qabtaan doorasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here