Maareeyaha dekedda weyn ee Muqdisho oo qarax lala eegtay iyo wararkii ugu dambeeyey

qarax gaari m

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan, halka loo yaqaano Laansaleeti.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Axmed Waashinton, inkastoo uu ka bad-badaay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka mid ah ilaalada maareeyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Xalay ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo dhalinyaro lagu dilay uu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here