Maayirka Washington DC oo dhisme u bixisay Nafta dadka madow macne ayey leedahay

qoraal nafta dadka madow

Maayirka magaalada Washington DC ayaa waxa ay magacii ka badashay dhisme ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad oo waxa ay u bixisay “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” arrintaas oo ay ku muujinaysay carada ay u qabto Madaxweyne Trump.

Maayir Muriel Bowser, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sidoo kale waxa ay daaha ka rogtay qoraalka “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu xardhay laba wado oo gala Aqalka Cad.

Sidoo kale waxa ay dalbatay in Mr Trump uu ciidammada federaalka ka qaado Washington.

Maayiraddu waa ay gadoodsan tahay, hasayeeshee ficilladeeda waxa ay yimadeen xilli dibadbaxyo kale dabayaqaada todoba la filayo inay ka dhacaan Washington DC.

Dibadbaxyada ka dhacayay Washington tan iyo todobaadkii tagay ayaa waxa ay jawaab kulul ka bixiyay Aqalka Cad, oo Mr Trump ayaa amray in kumannaan ciidammada federaalka ah la keeno magaalada.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay inuu mas’uuliyiinta amray inay si qasab ah u kala kaxeeyaan dibadbaxayaal si nabad ah uga dhacayay fagaare ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad, si uu u jaro wadada si uu sawir ugu galo bannaanka hore ee kaniisad meesha ku taal.

In fagaaraha ka soo horjeeda Kaniisadda St John Jimcihii lagu calaamadeeyo astaanta “Dhismaha nafta dadka madow macne ayey leedahay”, ayey Ms Bowser sheegtay: “Dadka reer Washington haddaanu nahay waxaannu dhammaantayo doonaynaa inaynu halkan isugu nimaano oo aan si nabad ah aynu ugu dibadbaxno Ameerika, si ammaan ah waad isugu iman kartaan, walwalka aad qabtidna waad ugu gudbin kartaa dowladaada, waxaadna dalban kartaa isbadel”.

Maayirka ayaa sidoo kale barteeda Twitterka soo dhigtay muuqaalka farshaxan wayn oo muujinaya “‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu qoray waddo gasha Aqalka Cad oo midab jaalle ah lagu buufiyay.

“Todobaadkan waxaa jiray muran ku saabsanaa cidda waddooyinkaas iska leh,” madaxa shaqaalaha maayirka John Falcicchio ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay markii farshaxankaas la daah furayay.

“Maayir Bowser ayaa waxa ay doonaysaa inay caddayso in wadadaas ay leedahay Washington DC laguna sharfay dibadbaxayaashii sida nabdoon u mudaharaadayay fiidkii Isniintii.”

Maayirku maxay kaloo samaysay?

Ms Bowser ayaa Khamiistii warqad u qortay Mr Trump, iyadoo waydiisanaysa “inuu ciidammada dheeraadka ah ee ammaanka ilaaliya ee federaalka iyo kuwa milateriga ka saaro Washington DC.”

Warqadeeda ayaa waxa ay ku qeexday in bandowga lagu soo rogay magaalada Washington ay tahay in la qaado wixii loo gaaro subaxa Jimcaha, iyo in booliska magaalada ay la tacaali karaan dibadbaxyada nabadda ah ee weli socda.

“Daabulaadda ciidammada ammaanka ee federaalka iyo qalabka milateri waxa ay sii hurinayaan dibadbaxyada waxa ayna walaaca ku sii badinayaan dadka sida nabadda ah u dibadbaxayay ee doonaya isbadalka iyo in wax laga qabto cunsuriyadda iyo nidaamka habacsan ee lagu dilayo dadka madow ee Ameerikaanka ah,” Ms Bowser ayaa qortay.

Sidoo kale waxa ay dhaleecaysay ciidammada in aanay soo xiran wax haybtooda qeexaya, taas oo u ogolaanaysa inay u dhaqmaan haba ka baxsan “nidaamka degsan,” ayey tiri.

“Waxa ay ila tahay in ciidammada ammaanku ay aheyd inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Mareykanka, ee aanay ahayn inay xuquuqdaas xaddidaan.”

National Guard troops at the Lincoln Memorial

Ms Bowser ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay iskudhaceen Aqalka Cad tan iyo markii Isniintii fagaaraha Lafayette oo ku hor yaal Aqalka Cad laga kaxeeyay dibadbaxayaasha, si Mr Trump uu kaniisad u booqdo. Waxa ay go’aanka ah in la qulqulateeyo dibadbaxyada ay tahay “ceeb”.

Sidoo kale waxa ay ku gooddisay inay dacwad sharciga waafaqsan ay ka diyaarin doonto taagdarrada maamulkiisa kaddib markii saraakiisha Trump ay isla soo qaadeen fikirka ah in ammaanka magaalada lagala wareego ciidammada booliska ee Washington.

Sida lagu daabacay Washington Post, ugu yaraan 16 wakaaladood oo ciidammada ammaanka iyo milateriga ayaa iyagoo hubkoodii wata waxaa loo diray Washington.

Some troops have not worn identifying insignia
Qaar ka mid ah ciidammada ma aanay xirnayn wax aqoonsi ah

Ciidammada ayaa waxa ay ka kala tirsan yihiin Wasaaradda Amniga Gudaha, FBI-da, Socdaalka iyo Kastamyada, Milateriga iyo Ilaalada Qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa ciidammada ay isfara saareen dibadbaxayaasha todobaadkii la soo dhaafay.

Washington DC ma ahan gobol, maayirkana ma ay laha awoodaha barasaabyada gobollada kuwaas oo go’aan ka gaari kara marka iyo qaabka loo daadgurayn karo ciidammada Ilaalada Qaranka.

Ciidammada Ilaalada Qaranka ee Washington DC ayaa waxa ay toos u hoos tagaan Xoghayaha Milateriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here