Macallinka darawalnimada ee taariikhda la sameynaya xulka qaranka Soomaaliya

Difaaca xulka qaranka Soomaaliya, oo macallin darawalnimada dadka bara ka ah magaalada Manchester Maxamuud Cali wuxuu ka qeyb qaatay mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa ee ugu weynaa kubadda cagta caalamiga ah.

Macallin kasta oo dhinaca darawalnimada ah ma sheegan karo inuu qeyb ka noqday taariikh lama illoobaan ah oo dhinaca kubadda cagta adduunka ah.

Laakiin Maxamuud Cali, oo sidoo kale ka tirsan kooxda Curzon Ashton ee dalka Ingiriiska waxay arrinta sidaas u weyn qeyb ka ahayd shaqadii uu ku qabtay hal isbuuc gudihiis.

Habeen walba oo ka mid ah isbuucii dhammaaday isku mid uma ahayn Maxamuud.

Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad.

Taasi waxay timid markii ay taariikh baal dahab ah gashay ka sameeyeen isreebreebka koobka adduunka, heerkiisa koowaad.

Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin.

Xulka qaranka Zimbabwe oo 90 darajo uga sarreeya liista Fifa ayey ku garaaceen 1-0, ka dib markii ay la ciyaareen lugtii hore ee isreebreebka, oo ka dhcday dalka Jabuuti.

Macallinka Darawalnimada

Maxamuud Cali, oo ka ciyaara tartanka National League North ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu leeyahay Iskuul lagu barto wadista baabuurta oo ku yaalla magaalada Manchester.

Wuxuu difaaca dhexe ee dambe kooxda uga ciyaarayay guud ahaan waqtigii ay socotay ciyaartaas.

Walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed ayaa isagana ahaa kabtanka kooxda, wuxuuna ahaa ninkii dhiibay sababtana u ahaa kubaddii shabaqa la dhex dhigay ee goolka guusha noqotay.

Muxuu Maxamuud ku yiri ardaydii uu barayay darawalnimada?

“Waxaan u sheegay ardaydeyda inaan kasoo qeyb galayo ciyaar caalami ah oo ka tirsan kubadda cagta, dabcan waxay rabeen inaan usii wado cashirrada ku saabsan darawalnimada, laakiin dhammaantood way la dhacsanaayeen howsha aan u socdo anigana waxaan u xaqiijiyay inaan si dhaqso ah ugu soo laaban doono”, ayuu yiri Maxamuud, oo 25 jir ah.

“Taageeradu waxay ahayd cajiib. Waxaa aad naloogu hadal hayay Twitter-ka adduunka oo dhan ka dib markii ay ciyaartu dhammaatay. Waxay ahayd guul aad u weyn sababtoo ah Zimbabwe waa kooxda ugu sarreysa dhinaca liiska Fifa ee ka qeyb qaadaneysa isreebreebka heerkan ah, annaguna waxaan nahay kooxda ugu hooseysa liista kooxaha ku hardamaya heerkan.

“Ma jirin cid fileysay inaan guuleysan doonno, haddii aan ka gudubno guruubyadana waxay noqon doontaa guul aan la rumeysan karin marnaba. Laakiin haddaba taariikhda waan sii galnay”.

Guul la sugayay 35 sano

.
Maxamuud Cali wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawir ay ka muuqdaan kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee guusha taariikhiga ah gaaray, isaguna uu ku jiro

Markii ay xulka Soomaaliya garoonka galayeen maqribnimadii Khamiista, Soomaaliya ma aysan kusoo guuleysanin ciyaar ka tirsan isreebreebka koobka adduunka muddo 35 sano ah. Xitaa uma aysan suurta galin inay guul ka gaaraan ciyaar nooc kasta ah tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2009-kii.

Maadaama ay 27 ciyaar oo isku xigta guul darro kala soo kulmeen tan iyo markii ay guul 1-0 ah kasoo hoyiyeen xulka Tanzania iyo waliba guul darro 6-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda Niger, ciyaar ka tirsaneyd isla tartanka heerka isreebreebka Koobka Adduunka, ma jirin wax rajo ah oo laga qabay inay taariikh noocan ah dhici doonto sanadkan 2019-ka.

Waliba waxaa taas sii dheereyd in Zimbabwe ay ka mid tahay kooxaha aan lagu tashanin, waxayna qeyb ka ahaayeen tartankii xiisaha badnaa ee Qaramada Afrika, oo sanadkan lagu qabtay dalka Masar.

Maxamuud Cali wuxuu sheegay in natiijadan ay ku timid dadaal uu qof walba dhankiisa ka sameeyay.

Difaaca ayaa yiri: “Waxay ahayd xaalad dareenka kicineysa, oo waliba aad u kicineysa, annagoo og in malaayiin qof ay naga daawanayaan meel kasta oo ka mid ah caalamka, walaalkey wuxuu baasay kubaddii goolka lagu dhaliyay, waxaana helnay fursad aan aniga iyo asaga laabta isku galinno garoonka dhexdiisa”.

“Waalidiinteenna waxay ku dhasheen Soomaaliya, waxayna aad ugu farxeen inaan waddanka hooyo gaarsiinnay heerkaas. Waxaan rabnaa inaan taariikh kale lasii sameyno xulka Qaranka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here