Macluumaad sir ah oo laga helay xaaladda Muslimiinta Uighur ee u xiran dowladda Shiinaha

muslimiinta Uighur china

Dukumeentiyo sir ah oo warbaahinta loo dusiyay ayaa shaaca ka qaaday qaabka ay dowladda shiinaha u mareyso tashkiilinta boqolaal kun oo qof oo ah muslimiin ku xiran xeryo aad loo ilaaliyo, kuwaaso oo ay dooneyso in maskaxiyan ay afkaartooda badasho.

Dowladda Shiinaha ayaa inta badan waxa ay ku doodaysay in xeryahaasi ku yaal gobolka Xinjiang ee galbeedka fog ee dadka ay khiyaarkooga ku yimaadaan si ay u helaan tacliin iyo tababar.

Balse dukumeentiyo rasmi ah oo ay nuqullo ka mid ah heshay BBC-da, gaar ahaanna barnaamijka baaritaannada Panorama, ayaa muujinaya in dadka xeryahaasi lagu hayo ee maxaabiista ahi si khasab ah looga dhaadhicinayo afkaar aysan raalli ka ahayn, ciqaabna ay halkaasi kula kulmaan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Britain ayaa dukumeentiyadaasi ku tilmaamay “warar been abuur ah”.

Baaritaannada la sameeyay ayaa lagu ogaaday caddeymo cusub oo muujinaya sida ay dowladda Shiinaha ula dhaqanto dadka muslimiinta ahi ee halkaasi ku xiran. Xeryahaasi ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay laga dhisayay guud ahaan gobolka Xinjiang, waxaana dowladda dalkaasi ay ku doodaysay dadka iskood ay xeryahaasi u yimaadaan si ay u helaan tacliin lagaga hortagayo afkaarta xagjirnimada.

Qiyaastii hal milyan oo qof oo u badan muslimiinta qowmiyaada Uighur ayaa la rumeysan yahay in xarumahaasi lagu hayo iyaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.

Dukumeentiyadan ayaa waxaa ku jira wareegto sagaal bog ka kooban oo sanadkii 2017 uu soo saaray Zhu Hailun, oo ah kaaliyaha xoghayaha xisbiga shuuciga ah ee haya talada dalkaasi Shiinaha ee gobolkaasi Xinjiang.

Wareegtadaasi ayaa maamulayaasha xeryahani ku amreysay in aad loo ilaaliyo ammaanka xarumahani, dadka ku jirana la marsiiyo anshaxa, lana ciqaabo ciddii awaamiirta xeryahani u hoggaansami weydo iyo in aan la ogolaan in dadka halkaasi ku jira ay baxsadaan.

China

Dukumeentiyadani ayaa muujinaya xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista halkaasi ku xiran oo dhaqdhaqaaqooda aad loo ilaaliyo. Waxyaabaha anshaxa lagu ilaalinayo waxaa ka mid ah in dadka mar kastaa tirakoob lagu sameeyo iyo in qof kastaa loo asteeyo goob cayiman oo uu fariisto marka uu cashirrada qaadanaya ama uu cuntada cunayo iyo in wakhtiyo go’an loo sameeyo marka qofku uu aadayo musqusha.

Dukumeenti kale ayaa muujinaya in sanadkii 2017, 15,000 oo qof laga soo qabtay koonfurta gobolkaasi Xinjiang muddo hal usbuuc ah gudahiis ah.

Sophie Richardson, oo ah agaasimaha hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in ay habboon tahay in xeer ilaalinta dalkaasi ay dukumeentiyadaasi caddeyn ahaan u isticmaasho.

“Tani ayaa ah caddeyn muujineyso xaddiga tacaddiyada iyo gabood fallada ka dhanka ah xaquuqul insaanka,” ayay tiri.

Wareegtada ka soo baxday Zhu Hailun ayaa muujineysa in dadka halkaasi ku xiran la fasaxayo oo kaliya marka ay badalaan dabeecaddooda, waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo luuqaddooda.

China

Ben Emmerson QC, oo ah qareen u dooda xaquuql insaanka isla markaana la taliye u ah golaha caalamiga ah ee qowmiaydda Uighur ayaa sheegay in xeryahaasi la doonayo in lagu badalo haybta dadka halkaasi ku xiran isla markaana la doonayo in muslimiinta Uighur la baabi’iyo diintooda, luuqaddooda iyo dhaqankooga.

Sida ku cad dukumeentiyadani, guddiga xisbiga Shuuciga ahi ayaa go’aan ka gaaraya qofka ay tahay in halkaasi laga sii daayo, gaar ahaanna mar ay xaqiijiyaan caddeymo muujinaya in qofkaasi uu badalay afkaartiisii hore.

Dukumeentiyada ayaa sidoo kale waxaa ku jira kuwo muujinaya awaamiir ay dowladda soo saartay oo ah in la xirxiro shakhsiyaadka u dhashay qowmiyadda Uighur ee haysta dhalashada waddamada kale, waxaana arrintaasi qeyb ka ah safaaradaha shiinaha ku leeyahay daafaha caalamka.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Britain, Liu Xiaoming ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay dowladdiisu qaaday ay yihiin kuwo lagu badbaadinayo dadka dalkaasi isla markaana wax weerar argagixiso ah aysan dalkaasi ka dhicin saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here