Madaafiic si daran loogu garaacay fariisimo ay leeyihiin Al-Shabaab

AlShabaab drone

Mar qura ayaa xalay madaafiic sida roobkii oo kale ah lagu garaacay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalka Jubada Hoose, kuwaas oo ay daganaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar laga helay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegaya in degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle si wadajir ah looga fuliyay duqeymo diyaaradeed oo xoog leh.

Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo xoogaga caalamiga ah ee taageera, waxaana lagu bur buriyay gaadiid iyo fariisimo ay lahaayeen Al-Shabaab, sida ay sheegeen.

Si rasmi ah looma oga qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay hase yeeshee duqeyntaan ayaa dhacday waxyar ka hor markii ay dowladda Soomaaliya shaacisay in duqeyn laga fuliyay Janaale lagu dilay afar hor joogo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo howlgal u joogay Shabeellada Hoose.

Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa todobaadyadii ĺa soo dhaafay aad u kordhay waxaana dhowr jeer oo ay hadleen Taliska Mareykanka ee Africom ay sheegeen in ay beegsadeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here