Madasha Xisbiyada Qaran oo Imaaraadka Carabta ka difaacay inay ka dambeysay qaraxii Ex Contol

xasan iyo shiikh shariif

Madasha Xisbiyada Qaran oo horey loogu xaman jiray inay ku adeeganayso Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo col la ah dalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid warbixin kasoo baxday Hey’adda NISA, taasoo lagu sheegay in dal shisheeye uu lahaa qorshaha qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Contol Afgooye ee dadka badan ee Soomaaliyeed lagu xasuuqay.

Madasha Xisbiyada ayaa maraya marxalad intay mucaaradnimaddii iyo wadaniyaddii ka tageen ay la saftaan cidkasta oo cadow ku ah dalkooda iyo dadkooda sida Kenya iyo Imaraadka Carabta iwm, sidoo kale waxay caadeysteen fidinta qabyaalada iyo waxkasta oo ay u arkaan inuu ummadda kala qaybinayso, waxay ku farxaan oo siyaasad ka dhigtaan dhib kasta oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed la soo derista.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha ayaa warbixinta hayada sirdoonka Somalia ee NISA ku sheegay inay tahay mid yaab leh, iyadoo ay muuqato in Madashu ay si weyn uga naxeen Wargeyska Yeni Safak, oo warbixin uu daabacay ku sheegay in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay, oo ay ku dhinteen 81 qof ilaa iyo hadda. Madasha waxaa hogaamiya labo masuul oo dalka horey Madaxweyneyaal uga soo noqday oo marnaba laga filayn ficiladda wadaniyadu ka maqan tahay ee ay ku kacayaan, haddii shacabka Soomaaliyeed ka dhegaysanayo eeda qaraxa waxay saari lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay Faceboom

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here