Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee hadda ku sugan Samareeb ayaa sii joogaya gudaha magaaladaasi, iyaga oo weli wada-tashiyo ballaaran oo ku aadan xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.
Madaxda maamullada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa illaa & muddo labo cisho sii joogaya Samareeb, iyaga oo ka qeyb-galaya munaasabadda sanad guurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.
Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay kulan uu albaabada u xirnaa oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo khilaafka doorashada 2021-ka.
Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda maamullada shirarkooda ay kasoo saaraan war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ka wada-hadlayaan iyo waxa ay la tahay xaaladda dalka.
Si kastaba kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii wada-tashiga ee ka socday magaalada Samareeb ee caasimada Galmudug.