Madaxa CIA iyo Mullah Cabdul Ghani Baradar oo kulan qarsoodi ah yeeshay

CIA William Burns iyo Mullah Barader

Waragayska Washington Post ayaa qoray warbixin la xiriirta in madaxa hay’adda CIA, William Burns, uu kulan qarsoodi ah la yeeshay Mullah Cabdul Ghani Baradar,oo ah hoggaamiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee Ururka Taalibaan.

Kulankan wuxuu ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kaabul.

Sida laga soo xigtay wargayskaan laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuu kulankan dhacay Isniintii oo taariikhdu ku beegneyd 23-kii bishaan Agoosto, wuxuuna ahaa shir heerkiisu sarreeyo, isla markaana dhexmara xubno ka tirsan mamaulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo hoggaamiyaasha Taalibaan, tan iyo markii kooxda ay qabsatay Kabul.

Waragayska Washington Post ayaa sheegay in CIA aysan wali ka hadlin warka ku saabsan kulanka balse saraakiil magacooda qariyay ayaa qiray in kulankaas uu dhacay.

Mullah Ghani Baradar, oo la wariyay inuu la kulmay aggaasimaha CIA-da Mareykanka, ayaa ka mid ah aas-aasayaasha ururka Taalibaan, kaas oo 11 sano ka hor lagu qabtay howgal ay si wada jira ah u sameyeen CIA-da Mareykanka iyo Pakistan, wuxuuna xabsi ku jiray sideed sano.

Mullah Cabdul Ghani Baradar, hoggaamiye ku xigeenka siyaasadda Taalibaan
Qoraalka sawirka,Mullah Cabdul Ghani Baradar, hoggaamiye ku xigeenka siyaasadda Taalibaan

Warkaan ayaa imaanaya xili ay socdaan dadaallo millitari iyo kuwo diblumaasiyadeed oo aan kala go’ lahayn oo ay wadaan wadamada reer galbeedka, oo garoonka diyaaradaha ee Kabul looga soo daad gureynayo dadka ka baxsanaya Taalibaan.

Taalibaan ayaa sheegtay in aysan ku dari doonin wakhtigii loo qabtay ciidamada shisheeye in ay kaga baxana dalkaas, kaas oo ku eg 31 bishaan Agoosto.

Sida laga soo xigtay wargeyska Washington Post, taariikhda la cayimay iyo isku dayga Mareykanka ee ah in laga daadgureeyo muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha magaalada kabul, ayaa laga yaabaa in ay ahayd muhiimadda uu William Burns ula kulmay Mullah Cabdul Ghani Baradar.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa cadaadis kala kulmaya xulafadiisa oo weydiisanaya in ciidanka Mareykanka ay ku sii sugnaadaan Garoonka Kabul, inta daadgureynta kumannaanka qof ay socoto.

Dadka laga qaadayo halkaas waxay ka kooban yihiin kuwa Mareykan ah, reer Galbeedka kale iyo muwaadiniinta Afghanistan ee ka qaxaya maamulka Taalibaan.

Isniintii, ka hor intii uusan soo bixin kulanka sirta ah ee Taliban iyo CIA, waxaa afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Ned Price la weydiiyay sababta saraakiisha dalkaas aysan ula xiriireynin Baradar si ay ugala hadlaan daadgureynta dadka?

Wuxuu ku jawaabay: “Wadahadalladeena Taliban waa howlgallo farsameysan,” ayuu yiri.

“Waxay diiradda saarayaan howlgallada dhow iyo ujeedooyiinka gaaban… waxa ka socda garoonka Kabul … waa kuwa aan hadda diiradda saareyno,” ayuu yiri.

Joe Biden ayaa ku tilmaamay hawlgalka ka socda garoonka diyaaradaha ee Kabul mid ka mid ah kuwii ugu weynaa uguna adkaa ee taariikhda soo mara.

Biden ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xulafadiisa oo ay Britain ka mid tahay, si loo kordhiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Goor sii horreysay, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa isana sheegay in waddanka uu xiriir la smaeeynayo Taalibaan si ay u suurta gasho daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka ee garoorka Kabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here