Madaxda Khaatumo iyo Beesha Caalamka oo kulamo ku leh Magaalada Adisabbaba

Cali Khaliif1

Waxaa magaalada Adisabbaba ee Caasimada dalka Itoobiya kulamo uga socdaan Madax ka mid ah maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxda Khaatumo oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr ayaa ka arinsanaya mustaqbalka Maamulkaas kadib markii laga quustay heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa dhabarka u jeediyey heshiiskii ay wadagaleen xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif, taasoo Cali ku kalifaysa inuu shacabka Khaatumo u celiyo masiirkoodii uu kala soo deg degay, taasoo 4 sano kadib uusan wax la taaban karo ka haynin.

Wararka laga helayo madaxda Khaatumo ayaa xaqiijiyey in Cali Khaliif uu masuuliyiinta Khaatumo ka codsaday in la siiyo mudo yar oo uu Somaliland kaga soo quusto, taasoo keenaysa inuu mar kale hargeysa dib ugu soo laabto.

Dhanka kale waxaa xubno Beesha Caalamka ka tirsan looga warbixiyey meesha uu ku dambeeyey hesiiskii Khaatumo iyo sida quusta looga joogo Somaliland.

Madaxweyne Cali Khaliif ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda uu hargeysa dib ugu laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here