Madaxii canshuuraha ee Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo lagu qabtay Janaale

shabaab sarkaal

War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dagaalamayaal uu watey.

Sarkaalka Shabaab ah ee ciidamadu ay soo qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Yuusuf Maansuur, waxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka, sida lagu sheegay warkan oo ay baahisay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale sarkalkaan ayaa lala qabtay todoba ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo la socday, waxaana la sheegay in haatan ay ku socdaan baaritaano ay ku wadaan ciidamada militeriga Soomaaliya oo maalmo ka hor Al-Shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay ciidanka xoogga dalka ay Janaale iyo degaanada hoos taga ka wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in illaa hadda howlgalladaas lagu soo qabtay sarkaalkaas iyo dagaalamayaasha kale, waxuuna sheegay in ninkan uu ahaa madaxii Zekawaatka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab maalmo ka hor kala wareegay deegaanka Janaale oo ay maamulayeen in ka badan 10 sano, waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay maamulayeen deegaanka Janaale uu marti geliyey duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here