Madaxii Jabhadaha Al-Shabaab C/qaadir Kumaandoos oo la dilay

AlShabaab drone

Duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cusmaan Yarow (Cabduqaadir Kumaandoos), waxuuna mar soo noqday madaxa Jabhadaha Al-Shabaab.

Duqeynta lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa maanta barqadii ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Cadaad-Gari oo dhacda inta u dhaxeysa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in goorta la beegsaday sarkaalkaas uu tirsanayey xoolo nool oo qeyb ahaan ugu soo aaday.

Xoolahaas ayaa la sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay Zeko ahaan uga soo urursadeen Al-Shabaab, kadibna ay qeyb-sadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here