Madaxii shirkadda Amal oo lagu dilay Kismaayo

Claahi Csalaan Shigshigow

Weerar galabta dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Jubaland ayaa lagu dilay maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Weerarka lagu dilay Cabdullaahi ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bastoolado, wuxuuna ka dhacay xaafadda Calanley, gaar ahaa inta u dhaxeysa shirkadda Amal iyo Masaajid uu kasoo baxay maamulaha, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Ragga dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, kaasi oo ahaa taargo la’aan.

Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi looga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dilkan ayaa ahaa kii labaad oo magaalada loogu gaysto dad miisaan ku dhex leh muddo laba bil gudahood ah, ayada oo bishii September magaalada lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga Kismaayo Shaafi Raabi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here