Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee Sh/Hoose oo lagu qabtay duleedka Janaale

shabaab sarkaal

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa shaaciyey in nolosha lagu qabtay madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellda Hoose, kadib howlgal ka dhacay duleedka deegaanka Jannaale.

Warbaahinta SNA ee militeriga Soomaaliya ayaa baahisay in sarkaalkaas oo lagu magacaabo Xasan Suleyt (Xasan Ganey) lala soo qabtay laba ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo la socday.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya S/Guut Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan degaanka Jannaale ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay sarkaalkaas ay ciidanku howlgal kusoo qabteen, xilli sida Taliyuhu sheegay uu ku dhuumaaleysanayey nawaaxiga Jannaale.

Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in haatan ay korortay wada shaqeynta ciidanka iyo dadka degaanka, taasi oo ciidanka u suurtagelisay in ay ka guuleystaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka ay ka helaan xogo badan oo ku saabsan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, taas oo uu sheegay in ay u sahasho inay ciidanku soo qabtaan ama dilaan.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka iyo AMISOM waxa ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, oo in ka badan 10-sano ay Al-Shabaab maamulayeen, wixii intaas ka dambeeyana waxaa soo yeerayey guulo ay saraakiisha ciidamada dowladdu ka sheeganayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here