Madaxii xabsiyada kooxda AL-SHABAAB oo isku soo dhiibay DF Soomaaliya

shabaab sarkaal

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cumar Heegan ayaa dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya, inkastoo wali aanan la soo bandhigin.

Sarkaalkaan ayaa waxaa gacanta ku haya Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii xiriir uu la soo sameeyay xubno Hay’adaasi ka tirsan ay u fududeeyeen inuu soo galo dowladda Federalka Soomaaliya.

Cumar Heegan ayaa wuxuu ahaay madaxa Xabsiyada Ururka Al-Shabaab, waxaana uu masuul ka ahaay xabsiyo kala duwan oo ku yaallo Gobolada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab waxaa ka soo goosanaayay Saraakiil Sare oo waqti badan ka mid ahaay xubnahaasi, islamarkaana fahmay dariiqa ay ku socdaan inuu yahay mid aad u qaldan.

Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlin Sarkaalkaan ka soo goostay, balse Shabaab waxa ay yaqaaniin dhaqanka ah inay beegsadaan Saraakiisha Sare ee dhankooda ka soo goosata ee Nabad Suggida Soomaaliya ku soo biirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here