Madaxtooyada Jabuuti oo jawaab ka bixisay fariintii uu soo diray amiirka Al-Shabaab

Djibouti flag

Madaxtooyada Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, kaasi oo ku baaqay weeraro kali-duul ah oo laga fuliyo gudaha dalka Jabuuti.

Abu Cubeydah oo dhowaan soo duubay farriin 20 daqiiqo ah, kahor doorashooyinka madaxweyne ee 9-ka bishan ka dhacaya Jabuuti  ayaa yiri “Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika looga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya.”

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH.”

Madaxtooyada Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka war hayso fariinta Al-Shabaab. “Waan ka fileynay hadal sidaas u xun, eedeymo aan sal laheyn iyo hanjabaad ka timaada urur halista ugu deg degta badan ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Jabuuti ayaa sheegtay inay tahay siina ahaan doonta saaxiib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya iyo jilayaasha caalamiga ah ee dadaalka ugu jira inay gacan ka gaystaan xasilloonida Soomaaliya.

“Jabuuti waxa hanjabaad kasta oo si toos ah loogu jeediyo dalkeena u qaadan doontaa si dhab ah, si buuxda ayayna ugu diyaarsan tahay inay wax ka qabato,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here