Madaxwaynaha Somaliland oo ka warbixiyey diyaargarowgii ugu dambeeyey ee kahortaga Coronavirus

madaxweyne muuse biixi26j

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si faahfaahsan uga warbixiyay cudurka Corona & xogaha Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland ay kahayso xuduudaha dalka lagasoo galo ee hawlwadeenada Caafimaadku ka wadaan baadhista caafimaadka dadyawga xuduudaha kasoo talaabaya.

Madaxwaynaha oo hadlaya ayaa yidhi:
“Waxan ummadda Somaliland u sheegayaa inaynu maanta ku soconaynno awaamiirta wasaaradda Caafimaadka, cid kalena amar kama bixin karto oo kama warrami karto, aniga oo madaxweyne ahi waxan raacayaa amarka uu I siiyo Dhakhtarka u hadla wasaaradka caafimaadku, wasiirku tiisa ayuu raacayaa, Jananku tiisa ayuu raacayaa, saxafigu tiisa ayuu raacayaa, ninka Baayac-mushtarka ahina tiisa ayuu raacayaa, sidaasna waxa ku jirta danteenna si aynnu u nabadgalno,” madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa heegan ugu jirta kahortaga cudurka Corona iyadoo ilaa imika aanu jirin wax kiis ah oo dalka gudihiisa laga helay balse xiligan uu Xanuunku kajiro wadamada deriska.

Daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here