Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Saraakiisha Ciidamada AMISOM

qoorqoor iyo saraakiil amisom

Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ee Maalma ka hor lagu doortey Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa uu halkaasi kula kulmey Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Galmudug gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweyne Qoor Qoor uu uga mahad celinayay Saraakiisha Ciidamada AMISOM doorka ay ka qaateen Sugida Amniga intii ay socdeen howlaha doorashooyinka.

“Waxaan kulan mahad celin ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug Taliyayaasha Ciidamada Amisom ee ku sugan Deegaanada Galmudug waxa aana uga mahadceliayay shaqada adag ay u hayaan bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug ayuu yiri”Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Maamulkaas waxaa uu kula dardaarmey sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug gaar ahaan amniga Caasimmadda.

Saakay ayay aheyd markii Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu Magaalada Dhuusamareeb kula kulmey qaar kamid ah Dhalinyarada Galmudug,isaga oo kala hadlay sidii ay Maamulka ula Shaqeyn lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here