Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyey habka uu u xalinayo Khilaafaadka

qoorqoor

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed  Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tilmaamay inuu wado dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan iyadoo taas loo marayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanka.

” Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Maamulka Galmudug iyo kala aragti kuwanaanshaha waxaa lagu dhameynayaa wadahadal iyada oo loo kaashanayo odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu doortay deegaanada maamulkaas, waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye  ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato dhinacyada kale sida Ahlu Sunna oo madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir oo ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Magaalada Gaalkacyo ku dhisay Galmudug kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay, inkastoo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul gobaleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here