Madaxweynaha Gini oo ka hadlay wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland

m gini alpha Conde

Madaxweynaha dalka Gini, Alpha Conde ayaa markii u horeysay si yar oo kooban uga hadlay wada-hadalada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Alpha Conde oo khudbad ka jeedinayey madal qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkaasi booqasho ku tagay, ayaa waxa uu uga mahad celiyay dadaalada ay dowlada Jabuuti ka wado wada-hadaladaasi fadhiidka noqday.

Conde ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jabuuti ku tilmaamay mid door muhiim ah kaga jira isku soo jiidka dalalka Geeska iyo weliba Afrika, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ay awood buuxda u yeelato ururka Midowga Afrika.

“Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7-saacadood ah” ayuu yiri Madaxweyne Alpha Conde.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Conde “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhex-dhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland”.

Waxa sidoo kale xusid mudan in Madaxweyne Geelle oo goobtaasi khudbad ka jeediyay uusan marnaba soo hadal qaadin Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland, oo uu madaxweynaha Gini u huwiyay amaantooda, balse ay khudbadiisu ku koobneyd mahad-celinta soo dhoweyntii balaadhneed ee loo sameeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray dalkaasi Gini, kadib markii uu martiqaad rasmiya ka helay Madaxweyne Alpha Conde, isagoona si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada dalkaasi.

Madaxweyne Geelle ayaa u muuqda mid dar-dar gelin cusub wada, sidii ay wada-hadalada dowlada federaalka iyo Somaliland ay dib ugu furmi lahaayeen, iyadoona sanadkan dhexdiisa ay labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay u safreen dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here