Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska (Sawiro)

waare iyo ben fender3

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada Dowladaha Ingiriiska, iyo Mareykanka Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Ambassador Donald Yamamoto.

Madaxweynaha Hirshabelle Waare Iyo Safiirada ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaadaha ku soo laablaabta magaalada Beledweyne iyo deegaanno ka mid Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale kulamadan ayaa diirada lagu saaray  sidii wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ay uga qeyb qaadan lahaayeen   mashaariicda horimarineed ee hakinta fatahaadaha, Dardargelinta Mashaariicda Somali Stabilty Fund ee HirShabelle (UK), iyo arrimo kale oo la xiriira dib u dhiska iyo horumarinta Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here