Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay tartanka ay ugu jiraan xubinta aan joogtada ahayn

ismaaciil cumar geelle voa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay tartanka ay dawladdiisu kula jirto dawladda Kenya eek u aaddan kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood aysan wanaagsanayn in uu u xumaado sabab la xiriirta tartanka kursigaas ee ay ku tartamayaan

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu cambaareeyay qaar ka mid ah wadamadii ka tirsanaa Midowga Afrika kuwaas oo Kenya ugu codeeyay 21-kii bishii August in ay ku guulaysato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Geelle ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aysan wali tanaasulin oo ay sugayso in ay Golaha Ammaanka ugu tartanto

Hadalkan oo uu ku sheegay madaxweynuhu wareysi uu siiyay VOA laanteeda ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa noqonaya ki ugu horeeyay ee uu kaga hadlo kursigaas oo ay Kenya kula tartamayso dawladdiisa.

Dhegayso VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here