Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif oo mar kale ku noqday dalka Itoobiya

Cali Khaliif1

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar kale todobaad gudihiis ku noqday dalka Itoobiya, kadib markuu gaaray maamulka Soomaalida ee dalkaas.

Madaxweyne Cali ayaa mudada uu joogo magaalada Jigjiga wuxuu kulamo la yeelan doonaa qaar ka mid ah masuuliyiinta Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, diblomaasiyiin iyo xubno sarsare oo Maamulka Khaatumo ka tirsan, kuwaas oo ay kala baadeen kadib markuu Somaliland la galay heshiis dhicisoobay oo mudo 4 sano ah uu hargeysa u fadhiyey.

Prof: Cali Khaliif ayaa bilaabay olole uu dib ugu raadinayo maamulkiisii kala burburay, iyo inuu Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka ka dhaadhiciyo in heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland fashilmay.

Madaxweyne Cali ayaa ka rako beelay inay is fahmaan Somaliland, waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto si uu hargeysa xamaamtiisa uga urursado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here