Madaxweynaha koofurgalbeed oo tababar u soo xirey ciidamo

ciidanka xoogga qaybta 60aad

Madaxweynaha maamul Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) , ayaa Dowladda Ingiriiska iyo Saraakiisheeda ku sugan Soomaaliya ugu mahad celiyay tababarada ay siiyaan Ciidanka xoogga dalka .

Cabdicasiis Lafta gareen, oo Maanta ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayey 140 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka qeybtiisa 60-aad ayaa ku dheeraaday muhiimada ay Bulshada u leedahay in ay helaan Ciidamo u difaaca Dalkooda, Diintooda iyo sharaftooda.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka tababarka dhammeystay kula dardaarmay in ay ku dedaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidankan oo muddo laba bil ah ku jiray Dugsiga tababarka ee ay Dowlada Ingiriiska ku leedahay Magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay Dhoolla tus ka tarjumaya sida cadowga loogu hor tago xilliyada ay weerarka soo qaadaan.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahooda kala duwan.

Generaal ; Cabdiraxmaan Tima cadde, oo ah Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60-aad ayaa sheegay in ay juhdi badan soo geliyeen tababaridda Ciidanka Maanta Qalin jebiyay.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya oo ay Dowladdiisu bixisay tababarka ayaa Sheegey in Dowladda Somaliya ay ka taageeri doonan tayanta iyo tababarrada Ciidanka xooga Dalka, si amniga Dalka ay ula wareegaan dhowaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here