Madaxweynaha Mareykanka oo amray in la baadho halka uu ka bilowday Covid-19

joe biden dhaarin

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hay’adaha sirdoonka ku amray inay baaraan asalka halka uu ka soo askumay xanuunka Covid-19, iyadoo ay sii kordhayaan wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan halka uu ka soo billowday xanuunkan.

Qoraal uu soo saaray, ayuu Mr Biden kaga codsaday hay’adaha sirdoonka inay “laba jibbaaraan dedaalladooda” ayna warbixin ku soo siiyaan muddo 90 maalmood gudahood ah.

Covid-19 waxaa markii ugu horreysay laga helay magaalada Shiinaha ku taalla ee Wuhan dabayaaqadii sanadkii 2019.

In ka badan 168 milyan oo kiis ayaa kaddib lagu arkay dunida iyadoo ugu yaraan 3.5 milyan oo qofna ay u dhinteen.

Maamulka magaalada ayaa kiisaskii ugu horreeyay ee Covid-19 la xiriiriyay suuq kalluunka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan, saynisyahannada ayaana rumeysan in bani’aadamku ay fayraska ka qaadeen xayawaanka.

Balse wararka warbaahinta Mareykanka ee dhowaan ayaa sheegaya inay u badan tahay in la hayo caddeyn ah in fayrasku ka soo billowday sheybaar ku yaalla Shiinaha.

Beijing ayaa cambaareysay wararkaas waxayna sheegtay in taas beddelkeed laga yaabo inuu ka soo billowday sheybaar ku yaalla Mareykanka.

Falanqeyn: Sheekada ah in sheybaar laga soo dusiyay xanuunka oo isa soo tareysa

Maamulka Biden ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin halka uu ka soo billowday Covid-19 – qaarkood waxay leeyihiin wuxuu noqon karaa sheybaarka halka kuwo kalena ay qabaan in xayawaanka iyo bani’aadamku isku gudbiyeen – oo midkoodna uusan hubin aragtidaas.

Fekerkan ayaa soo baxay sanadkii la soo dhaafay markaas oo Donald Trump, xoghayihiisii arrimaha dibadda Mike Pompeo, senator Tom Cotton iyo kuwo kaleba ay fekerkan aaminsanaayeen.

Trump iyo Pompeo gacan kama geysan dejinta xaaladda. Iyadoo fekerkoodaas uu jiro ayaa waxaa soo baxay kuwo kale, sida in cududrkaba lagu sameeyay sheybaar ku yaalla Shiinaha. Suurtogalnimada arrintaas ayaa u muuqata mid aad u yar.

Waxaa laga yaabaa in bulshadu aysan wada ogaan runta ku saabsan halka uu fayrasku ka yimid, gaar ahaan haddii Shiinuhu uu sii wado in uusan la shaqeyn hay’adaha baaraya. Biden ayaa codsanaya baaritaan buuxa, si kastaba, haddii uu Mareykanku helo caddeyn ah in sheybaar uu ka soo dusay, waxay taasi sanadaha soo socda sii xumeyn doontaa xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha.

Muxuu haatan Biden u dalbanayaa baaritaanka?

Qoraal shalay ka soo baxay Aqalka Cad, ayuu Madaxweyne Biden ku sheegay in markii uu talada dalkaas la wareegay kaddib uu codsaday in warbixin laga siiyo halka uu ka soo askumay Covid-19, “oo ay ka mid tahay hadii ay bani’aadamku ka qaadeen xayawaanka iyo in uu ka soo dusay sheybaar”.

Warbixintaas oo uu helay bishan dhexdeeda, wuxuu codsaday “faahfaahin dheeraad ah”.

“Hay’adaha sirdoonka Mareykanka waxay la yimaadeen labo feker balse weli go’aan rasmi ah kama gaarin su’aashan,” ayuu yiri Biden.

Madaxweynaha ayaa haatan ka codsaday hay’adaha inay “laba laabaan dedaalladooda ay kula imaanayaan warbixin mideysan”, ayna ku soo war celiyaan muddo 90 maalmood gudahood ah.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu la shaqeyn doono dalalka ay xulafada yihiin ee dunida daafaheeda ku yaalla si Shiinaha cadaadis loogu saaro inuu ka qeyb qaato baaritaanka caalamiga ah uuna baarayaasha u oggolaado inay ururiyaan xogta iyo caddeymaha ay u baahan yihiin.

Balse warbixin shalay lagu daabacay wargeyska Washington Post ayaa maamulka Biden ku eedeeyay in uu iska weecinayo su’aalaha Kongareeska ee la xiriira halka uu ka soo bilowday Covid-19, isagoo u leexiyay dhanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Covid-19 ma wuxuu ka yimid sheybaar?

Bishii March sanadkan, WHO ayaa soo saartay warbixin ay ka qeyb qaateen saynisyahanno Shiineys ah oo ku saabsan halka uu ka soo askumay Covid-19, taas oo lagu sheegay in aysan macquul ahayn inuu ka soo bilowday sheybaar. WHO ayaase sheegtay in loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah.

Balse su’aalaha ayaa weli taagan iyadoo warar laga soo xigtay hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in saddex ka tirsan Machadka Daraasaadka Fayrasyada ee Wuhan isbitaal la dhigay bishii November 2019, dhowr toddobaad kahor inta uusan Shiinuhu shaacin kiiskii ugu horreeyay ee cudurka ee laga helay bulshada.

Anthony Fauci, oo ah madaxa la latinta caafimaadka ee Madaxweyne Biden, ayaa weligiis aaminsanaa in xayawaanku uu fayraska u gudbiyay bani’aadamka, inkastoo uu bishan ka soo dabcay fekerkaas isagoo sheegay inuusan haatan aaminsaneyn in Covid-19 uu si dabiici ah u bilowday.

Hadalka Mr Biden ayaa imaanaya maalmo kaddib markii Xavier Becerra, oo ah Xoghayaha Mareykanka ee arrimaha caafimaadka uu ku borriyay WHO inay hubiyaan in baaritaan waadix ah lagu sameeyo halka uu fayrasku ka soo bilowday.

“Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 keliya sanad kama xadin nolosheenna, wuxuu xaday nolosha malaayiin qof,” ayuu yiri Mr Becerra.

Eedeymaha la xiriira in fayrasku uu ka soo dusay sheybaar ayaa aad loo beeniyay sanadkii hore, kaddib markii madaxweynihii xilligaas Donald Trump uu sheegay in Covid-19 uu ka yimid machadkaas ku yaalla Wuhan. Warbaahinno badan oo Mareykanka ku yaalla ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Talaadadii, Mr Trump ayaa email uu u diray wargeyska New York Post ku faanay “Aniga ahaan billowgiiba way ii caddeyd balse si xun ayaa la ii cambaareeyay, sidii caadada ahayd,” ayuu yiri. “Hadda waxay dhammaantood leeyihiin: ‘Wuu saxsanaa.'”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here