Madaxweynaha Ruushka ma wuxuu doonayaa inuu abid dalkaas maamulo?

vladimir putin

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Ruushka ayaa ku warrantay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu saxiixay qaanuun u ogolaanaya inuu xilka sii hayo laba muddo xileed oo kale oo dheeraad ah.

Arrintaas ayaa waxa ay madaxweynaha u ogolaanaysaa inuu xilka madaxweyne-nimo ee dalkaasi uu sii hayo illaa laga gaarayo sanadka 2036-ka.

Qaanuunkaasi ayaa bishii la soo dhaafay waxaa meelmariyay baarlamaanka, iyadoo qaanuunku uu salka ku hayo isbadello lagu sameeyay dastuurka kuwaas oo afti loo qaaday sanadkii la soo dhaafay.

Putin oo haatan 68-jir ah ayaa markii ugu horraysay waxa uu xilka madaxnimada ee dalkaasi qabtay sanadkii 2000.

Sidee Putin ku noqday lama huraan?

Maalmihii u dhamaanayay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey shuuciyada iyo galbeedka ayaa ahaa maalmihi uu soo can baxay Vladimir Putin.

Kacaankii 1989 ayaa la wareegey isaga markii lagu dhajiyay inuu yahay wakiilka Jarmalka.

Arrintaas ayaa ku ridday meel cidlo ah, balse waxa uu ka dhaxlay labo aragti oo waarta: cabsi laga qabo kacdoonno caan ah – ka dib markii la arkay mudaharaadyo dadweyne oo sababay burburka derbiga Berlin iyo daahii birta – iyo nacaybkii ku yimid awooddii ka soo baxday Moscow ka dib burburkii USSR.

Siduu awoodda ku qabsaday?

Kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Leningrad ee uu ka soo jeedo wuxuu durbaba gacan yare u noqday duqa magaalada.

Dhanka bariga Jarmalka, Putin wuxuu qayb ka ahaa shabakad shaqsiyaad laga yaabo inay waayaan kaalimadoodii hore, laakiin waxaa si wanaagsan loogu meeleeyay inay shakhsi ahaan iyo siyaasad ahaanba ku barwaaqeeyaan Ruushka cusub.

Putin ayaa caan noqday – wuxuu xitaa ka badbaaday Sobchak dhicitaankiisii cajiibka ahaa ee nimcadiisa wuxuuna sii waday inuu si guul leh ula qabsado Rushka cusub .

Wuxuuna marki dambe u wareegay Moscow halkaas oo uu shaqo ka helay xukumaddii markaas maamuleysay Ruushka.

Markaas iyada ah waxa dalkaasi xukumaayay oo madaxweyne cusub oo ahaa Boris Yeltsin.

Ganacsato sida Boris Berezovsky ayaa taageerayaal muhiim ah u noqday Yeltsin, waxayna noqdeen kuwa saameyn xoogan ku leh aragtida dadweynaha waqti ay doorashada madaxweynanimo lagu jiray.

Markii la gaaray 1999 madaxweyne Yeltsin wuxuu Raisul was are u magacaabay Vlatimir Putin.

Si lama filaan ah ayuu madaxweyne ku noqday

Dhaqanka Yeltsin ayaa is badaley, wuxuuna ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah shaqada isaga casiley 31kii Diseembar 1999.

Putin, oo ay taageersan yihiin Berezovsky iyo xuno kale oo muhiim ah, ayaa si buuxda isugu meeleeyey inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha, ka hor inta uusan guushii rasmiga ahayd ee doorashada bishii Maarso 2000.

Dadkii taageersanaa markaaasi iyada ah waxay u arkaayeen mid ka tallin doona danahooda balse 3 bilood gudahood Putin wuxuu kula wareegay awoodda warbaahinta.

Warbaahinnom adaxbanaana sida NTV ayaa albaabada loo laabay.

La wareegidda xukunka warbaahinta waxay madaweynaha cusub u lahayd faa’iidooyin laba geesood ah: in meesha laga saaro dhalleeceeyayaasha awoodda leh saameynta ay leeyihiin iyo qaabaynta sheekada, laga bilaabo dagaalkii Chechen ilaa weeraradii argagixiso ee Moscow.

Waxay sidoo kale kor u qaadday qiimeynta madaxweynenimada, waxay saadaalisay muuqaal awood badan oo ku saabsan Ruushka cusub iyo hogaamiyaheeda, waxayna gacan ka geysatay qeexida cadaawayaasha cusub ee dowlada.

Xilligaas wixii ka dambeeyay, dadka degan gobolada Ruushka waxay kaliya daawanayeen waxa Putin uu doonayo inuu daawado.

Ku dhawaad 3,000 kanaal telefishan oo ku yaal Ruushka, badankood waxay ka fogaadaan wararka gebi ahaanba, iyo haddii warbixin kasta oo siyaasadeed dhacdo, lama baahiyo ilaa dawladda ay si buuxda u sharciyeeyneyso.

“Ha igu khaldamin”: farriin ku socota gobollada

Putin wuxuu tartiib tartiib ula wareegay 83-da gobol ee Russia isagoo u magacaabay siyaasiyiin aamin ah inay goboladaasi ka noqdaan barasabyo.

Wuxuu meesha ka saaray doorashadii gobolada ee barasabyada sanadii 2004 – wuxuuna la yimid liiska ay ku qoran yihiin seddex murashax oo baarlamaanka gobolka ah si ay u doortaan gudoomiye kuxigeenkooda.

In kasta oo dadka dhaleeceeya Putin ay ku eedeeyeen ‘in uu mesha ka saaraayo dimuqraadiyadda’, haddana istiraatiijiyaddiisu waxay ka shaqeysay gobolada gaar ahaan Chechnya.

Doorashadii ka dhici jirtay goballada waxyar bay soo noqotay sanadkii 2012 kadib mudaaharaadyo dimoqraadiyada lagu dalbanaayay, laakiin bishii Abriil 2013 kontaroolka tooska ah ee Putin ayaa dib loo soo celiyay iyada oo la soo saaray sharciyo xaddidan oo cusub.

Marmarsiiyada dib u xoreynta, oo magaca kaliya ah

Mudaaharaadyo tiro badan oo isdaba joog ah ayaa ka dhacay Moscow iyo meelo kale oo ka tirsan Ruushka laga soo billaabo 2011-kii illaa 2013-kii, kuwaasoo lagu dalbanayay doorashooyin nadiif ah iyo dib-u-habayn dimuqraadiyadeed.

Kuwani waxay ahaayeen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee Russka laga sameeyo tan iyo 1990-meeyadii.

Waxaa sidoo kale jiray gugii carabta iyo ‘kacdoonno midabbeysan’ oo laga sameeyay waddamada deriska ah, taasoo dib u soo celiyay xusuustii 1989.

Putin wuxuu dibadbaxyadaasi u arkay kuwo ay dabada ka rixayaan dowladdaha reer galbeedka si loo fashilo xukumaddisa.

Qabashadii gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine

Qabsashadii Ruushk uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxay Putin u ahayd guul siyaasadeed, waxayna dharbaaxo ku noqotay dalalka reer galbeedka.

Ruushka waxaa uu muujiyay in uu la wareegi karo qeybo kamid ah dalka deriska la ah, xilli dunida ay indhaha ka daawaneysay, ayna ku guul dareysatay in ay wax ka qabato.

Sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha gobolkaas, Putin waxa uu fahmay in Ruushka uusan u baahneyn in dalkiisa uu noqdo awoodda dunida, sidii ay waayadii hore ahaan jirtay ba.

Putin waxa uu heystay awood ku filan oo uu dalalka reer galbeedka iyo NATO wax uga badeli karay.

Crimea waxay ahayd duullaankii ugu weynaa ee Ruushka uu qaado waayahan, balse ma aysan noqonin mid lagu takooro.

Garab istaaggii Suuriya

In muddo ahna, Putin waxaa la sheegay in uu tijaabinayay sal ballaarsiga siyaasadeed ee dibadda, waxaana meelihii uu tallaabooyinka ka qaaday kamid ahaa dalka Suuriya oo dowladda dalkaas uu ku gacan siiyay dagaalka ay kula jirto mucaaradka.

Dhinac ahaan waxa uu xaqiiqsaday in uu gacanta ku dhigay dal udub dhexaad u ah bariga dhexe, halka uu sidoo kale fursda u helay in uu tijaabiyo xeeladdiisa milateri.

Ma jirto cid saadaalin karta mustaqbalka dunida balse dadka daraaseeya dalkaas waxay aaminsan yihiin in Putin uu dejin karo qorshe siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here