Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub oo Addis Ababa kulan ku yeeshay

farmaajo iyo madaxweynaha eu council2

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL, sida lagu qoray barta Villa Soomaaliya ay Facebook ku leedahay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay iska wareysteen horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirdoceedyo la yeeshay hogaamiyeyaal kala duwan sida Raiisul wasaaraha Canada iyo Raiisul Wasaaraha Norwey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here