Madaxweynaha Somaliland oo kulan labaad la qaatay Xisbiyada Mucaaradka

madaxtooyada somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Markii kulankaasi laga soo baxayna waxaa warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo Madaxweynaha Somaliland la qaato hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here