Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay hogaamiyaasha mucaaradka

muuse saylici cirro iyo faysal

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta la kulmay hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.

Kulankan oo uu madaxweyne Biixi ku wehelinaayay madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxaa loogaga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladda guud ee Soomaaliland.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa arrimihii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa doorashooyinka Somaliland iyo guud ahaan ammaanka maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay kulankan;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here