Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgelaya shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey

farmaajo africa japan1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey, kadib markii uu iska celliyey dhalashadii dalka Maraykanka.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynuhu ka qaybgeli doono shirka ka dhacaya magaalada New York ee carriga Maraykanka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkii u dhexeeyey xukuumadda Soomaaliya iyo beesha caalamka kana qabsoomay magaalada Baydhabo loogu diyaar garoobayo shir lafilayo inay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan horay uga qaybgelin shirarka qaramada midoobey sababo la xiriira haysashada dhalashada dalka Maraykanka, lamana oga waxyaabaha ka qaybgalkiisu ku soo kordhin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here