Madaxweynaha Suuriya oo ka degay Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka oo ka xumaaday

Sheekh M¨b Zayed al Nahyan iyo bashar al asad

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaaro tan iyo 2011 oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkiisa.

Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sanado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.

Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.

Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda milateri ay waxbadan u tartay ninkan mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.

Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhinac ay isla meel dhigeeen “ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo in ciidamada shisheeye ay ka baxaan waddankaas.”

“Imaaraadka ayaa ballan qaaday inuu Suuriya ka caawin doono arrimaha siyaasadda iyo bani’aadannimada, si dalkaas uu xal ugu helo mashaakilka noocyada badan ee haysta,” ayay sheegtay wakaaladda WAM.

Dalalka Iran, Ruushka, Maraykanka iyo Turkiga ayay ciidamo kaga sugan yihiin gudaha Suuriya, waxaana dhammaantood ay halkaa ka fulinayaan dano kala duwan.

Maraykanka oo ka madax jabsan booqashada Asad ee Dubai

Maraykanka ayaa diiddan in xiriir caadi ah lala yeesho Asad ilaa iyo inta xal siyaasadeed laga gaarayo colaadda waddankaas, oo ay ku naf waayeen boqolaal kun oo qof.

Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Suuriya ee 11-ka sano , Asad meesha keliya ee uu booqday waxa ay ahayd Ruushka, kuwaas oo garab ka siiyay in uu iska caabbiyo jabhadihii uu Maraykanka taageerayay.

Booqashadan uu hadda ku tagay Imaaraatka ayaa kusoo aadaysa sanad guuradii 11-aad markii uu biloowday kacaankii Carabta ee rabshadaha ka dhaliyay Suuriya.

.
Qoraalka sawirka,.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka Ned Prince ayaa sheegay in Maraykanka uu si adag uga hor imaadsanyahay in xiriir caadi ah lala yeesho Suuriyada uu Bashaar Al Asad maamulo.

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale walaac ka muujisay bishii November ee sanadkii hore in dalalka Carabya ay soo celinayaan xiriirkii ay la lahaayeen Suuriya , taas oo ka dambeysay booqashadii wasiirka arrimaha dibedda Imaaraatka uu ku tagay magaalada Dimishqi ee dalka Suuriya.

Xukuumadda madaxweyne Biden ayaa hoos u dhigtay xiriirka dublamaasiyadeed ee Riyaadh iyo Abu Dhabi, iyada oo sidoo kale joojisay taageeradii dagaalka Yemen ay dalalkani ka waddan. Waxaa intaasi dheer in shuruudo dheeraad ah lagu xirey Sucuudiga iyo Imaaraatka marka ay hub cusub ka iibsanayaan Maraykanka.

Dalalka xiriirka la yeelanaya Suuriya waxaa ka mid ah Urdun oo ka mid ah xulufada Maraykanka, iyada oo boqorka dalkaasi Boqor Cabdalle uu taleefoonka kula hadlay Bashaar Al Asad.

11 sano ka hor, Jaamacadda Carabta ayaa laga saaray Suuriya, haddase waxaa muuqata in sababo dhaqaale iyo kuwa qoowmiyadeed awgood dib loogu soo celinayo Suuriya, iyada oo dhanka kale lala dagaalamayo saamaynta sii kordheysa ee Iiraan ay ku yeelanayso dunida Carabta.

Khubarada Bariga Dhexe ayaa sheegaya in dalalka Khaliijka ay hadda soo dhaweysanayaan Asad, si ay u wiiqaan awoodda ay Tehran iyo Ankara ku leeyihiin gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here