Madaxweynaha Ukraine oo abaal-marinta guddoonsiiyey Eyga qabtay shaqooyin muhiim ah

Ukraine Volodymyr Zelensky

Eey u reer Ukraine ah oo loo tababaray inuu miinada uriyo ayaa la guddoonsiiyay billad loogu abaal-marinayo shaqadiisii hufnayd ee qabtay tan iyo markii uu Ruushka ku soo qaaday duulaanka.

Eyga oo la yirahdo Patron, Jack Russell Terrier, ayaa waxaa abaal-marinta guddoonsiiyey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ka dib xaflad ka dhacday magaalad Kyiv.

Eyga oo laba sano iyo badh jir ah ayaa lagu sheegay inuu ka caawiyay dadka miinada baara inay helaan in ka badan 200 oo qalab miino ah.

Waxa kale oo uu noqday halyeey geesi qaran, kaalin libaaxna ka qaatay iska caabinta Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka.

“Waxaan rabaa in aan abaalmariyo geesiyaasha reer Ukraine kuwaas durbaba bilaabay inay miinooyinka ka nadiifiyaan dhulkayaga.” ayuu yiri madaxweyne Zelensky intii lagu guda jiray xafladii Axadii.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo Axadii booqasho ku yimid dalkaasi, isagoo ku dhawaaqay in Canada ay hub iyo qalab kale u diri doonto dalka Ukraine.

Iyadoo Patron iyo milkiilaha Myhailo Iliev la guddoonsiiyay billadahooda, Ra’iisul Wasaare Trudeau ayaa jeebkiisa u salaaxay sidii isagoo raadinaya dawooyin eey ah.

Eeyga waxa uu noqday barta xudunta u ah wadaniyada dadka reer Ukraine waxaana muuqaalladiisa si joogto ah loogu soo bandhigaa kanaalada iyo warbaahinta bulshada ee Ukraine.

Waxa uu dhiirigeliyay tiro farshaxan oo ay sameeyeen taageerayaashiisa dalka oo dhan, kuwaas oo ay ka mid yihiin sawir-gacmeedyo iyo kuwa caadi ah.

Waxaa ka mid ah sawir gacmeedka laga sameeyay eeyga Patron oo ku kaadinaya gantaalka Ruushka oo xiran jaakada badbaadada.

Madaxweynaha Ruushka, Vladymyr Putin ayaa u qiil dayay duullaanka uu dalkiisa ku qaaday Ukraine, isagoo qiil ka dhigtay arrimo la xiriira amniga qaranka.

Mar uu khubdad ka jedinayay magaalada Moscow, ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

Waxaa uu sidookale sheegay in ciidamada ay u dagaallamayaan qaabka kuwii iyaga ka horeeyay ugu dagaallamayeen dagaalkii labaad ee adduunka, balse ma uusan shaacin wax isbedello ah oo uu sameynayo.

Bandhiga maalinta guusha waxa mararka qaar la xusi jiray xilligii Soviet-ka, waxaana dib u soo nooleeyay Madaxweyne Boris Yeltsin sanadguuradii 50-aad ee 1995-kii, laakiin Vladimir Putin ayaa 2008-dii ka dhigay munaasabad sanadle ah oo lagu soo bandhigayo agab ciidan.

Ciidamada Ruushka waxay dagaal la galleen ciidamada Ukraine oo si wanaagsan u tababaran kuwaas oo doonayay in ay ka hortagaan weerarada Ruushka.Niyad-jabka, Ruushka gaaray wuxuu hadda ku qasbay inuu sameeyo “Qorshaha C”, ama qorshaha saddexaad kaas oo ah inuu ka tanaasulo Kyiv iyo waqooyiga, oo halkii uu ku ururin lahaa dhammaan ciidammadiisa weerarro waa weyn oo ka dhacay gobolka Donbas iyo koonfurta Ukraine,malaha wuxuu diiradda saarayaa dhinacyo kale oo u arko in guushu jirto. Ataamaha muujinaya qorshahaan waxaa ka mid ah in dagaalka hadda loo weeciyay agagaarka bariga sida Izyum,Popasne, Kurulka iyo Brazhkivka.

Bishii Febaraayo wuxuu sameyay iskudaygii ugu weynaa oo uu ku doonayay in uu kula wareego guud ahaan dalka Ukraine muddo 72 saacadood ah, waliba waddan ay ku noolyihiin 45 milyan oo qof isla markaana haysta dhulka labaad ee ugu weyn Yurub. Waxay ahayd khamaar la yaab leh oo aan taxaddar lahayn waxayna gabi ahaanba fashilantay usbuucii ugu horreeyay ee muhiimka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here